November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Deg deg: Ciidamada xooga dalka iyo kuwa Amisom oo dib uga eryayday argagixisada degmada Aadan Yabaal

Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Ciidanka xoogas dalka Soomaaliya ayaa dib u qabsaday magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii weerar ballaaran oo ka dhan argagixisada lagu ekeeyay ayaa lagu yiri war ay soo saareen.

War ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ka yimid degaannada Maxaas iyo Moqokori ee Gobolka Hiiraan ay saaka dib u qabsadeen Aadan-yabaal.

AMISOM ayaa shacabka ugu baaqday in ay dib ugu soo laabtaan degmada Aadan-yabaal oo ay ka barakaceen, xili haatan degmadu ay tahay mid haawanaysa.

Dhawaan ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka AMISOM waxay argagixisada ka xoreeyeen Aadan-yabaal laakiinse way ka baxeen taas oo keentay  in argagixisadu dib ugu soo laabato.

Wararkii ugu danbeeyay ee haatan aan ka helayno Aadan Yabaal ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid aad u dagan oo qaybo badan oo magaalada ah ay dageen ciidamada isgarabsanaya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS