November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Deg deg: ciidanka dawlada oo dib u qabsadey Marka oo argagixisada gacanta loo geliyay

Wararkii u dambeeyasy ee ka imanaya Marka aya sheegaya in ciidamada dawlada oo hadda heshiisa ay dib u galeen Marka oo argagixisada gacanta loo geliyay saacado kahor. Arintan ayaa ka caraysiisey dadka Somaliyeed oo ku tilmaamey mashruuc.

Amisom ayaa hore u sheegtay in aan cadowga ummada Somaliyeed aan gacanta loo gelin Marka laakiin ay ahayd xeelad dagaal iyadoo warar qaar ay sheegayaan in ujeedadu ahayd in lagun hershiisiiyo laba qabiil oo dagaal u dhexeeyo markasta.

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diihi ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen magaalada Marka, isagoo xusay in amniga magaaladu ay tahay mid la isku haleyn karo, shacabkana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Warbaahinta ugu baaqay inaysan ka bad badinin wararka la xiriira xagga amniga, waxaana uu shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Shirka jaraa’id ayaa yimid xilli la sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay xoogaa saacado gudaha u soo galeen magaalada Marka, taasi oo aakhirkii dambe keentay in ciidanka xoogga dalka ay kala eryaan maleeshiyaadkii magaalada soo galay.

IMG_1250[1]

IMG_1238[1] IMG_1241[1] IMG_1243[1] IMG_1250[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS