X

Deg deg: Ciidanka Suudaan oo ka shiraya mustaqbalka Cumar Xasan Al-bashiir

Ciidanka dalkaasi Suudaan ayaa ka shiraya mustaqbalka madaxweynaha dalkaasi ee fadhiyay kursiga mudada 30-ka sano. Kulan ka socdey xarunta ciidamada magaalada Khartuum ayaan welli gaar ahaan xilliga, warkan aan qoreyno, la isku raacin cida si ku meelgaara loogu dhiibayo jagada madaxweynaha.


Wasiirka difaaca dalkaasi oo ay saaxiibo yihiin Cumar Xasan Al-bashiir iskuna wada yihiin ururka akhwaan muslimiin  ayaa ku jirta suuqa in laysku raacay inuu hogaamiyo mudada kala guurka.

Waxa la sugayaa inay ka soo baxdo war rasmiya kulanma ciidamada ee welli socda xilli dalkaasi ay muddo 3 bilooda uu ka jirey kacdoon sixir barara oo isku bedelay kacdoon xukun-bedela.


“Waxa laga baqayaa in xaalku ku noqdo kud ka guuroo qanjo u guur. Ilaa hadda ciidanka iyo booliiska ayaan si xun u xasuuqin dadkooda, inkasyoo ay jjrtey kufsi aan la qiyaasi karin oo ay keentay xukunna diciifay.

Suudaan oo ay isku urur diimeed yihiin Qadar ayaa lacagta ugu badan ka heli jirtey halkaasi inkastoo hadda ay ku amreen in isbedel dhaco.

Waxase dhamaadey xilligii Cumar Xasan Al-bashiir, waxana la sugayaa cida askartu u magacaabaan madaxweynaha ku meelgaarka ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.