X

Deg-deg: Ciidanka Yaman oo gacanta ku dhigey saraakiil Sucuudi ah iyo hubkoodii

Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaya magaalada Najraan ee Koofurta Sucuudiga halkaas oo ciidanka Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiintu ay qabteen saraakiil Sucuudi ah iyo weliba hub dhawaan ay Maraykanka ka soo iibsadeen.


Afhayeenka ciidanka Yaman oo gaaladu u taqaan mucaaradka ayaa sheegay in dhirbaaxo kulul lagu dhuftey Sucuudiga oo looga  diley saraakiil waaweyn qaarna gacanta lagu dhigey. Hubka ay qabsadeen ayaa waxa ku jira kuwa culus.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in calooshood u shaqaystayaal Suudaani ah ay uga carareen Sucuudiga kadib dagaal kooban oo Ka dhacay meel u dhow Najraan oo xad la leh Yaman iskuna hor fadhiyaan ciidanka Yaman ee niyada haya iyo Wahaabiyada Sucuudiga oo aan dagaalami karin.


Waxay ciidanka Yaman soo bandhigeen hub ay ku  jiraan taangiyo farabadan oo wada cusub iyo ilaa laba guuto oo ah ciidankii Sucuudiga ee loogu talogalay inay isku difaacaan.

Guuldararadan ayaa imaanaysa xilli Sucuudigu rabo in Maraykanka iyo Yuhuudu u weeraraan Iiraan oo isku filan ciidan ahaan iyo difaacba laakiin ilaa hadda loogu bedelay in laga gado hub kale oo ay ku baxayaan balaayiin doolar halka uuna su’aal ka keenin fashilka ku yimi hubkii hore looga gaday.


Tirada ku dhimatey hawlgalkan ay qaadeen ciidanka Yaman oo intooda badan macawis xiran yihiin ayaa afhayeenka Yaman ku sheegay boqolaal. Sucuudiga ayaa ilaa hadda beenin wacdarahan ku dhacay ayagoo welli ku jira geeri. Tolow tana ma Iiraan ayuu ku eedayn doonaa.

Isku soo duuboo waa dhirbaaxadii ugu xumeyd ee la gaarsiiyo wahaabiyada Sucuudiga oo dagaal kibirsan ku qaadey Yaman oo fiqiira.

Hoos ka daawo ciidanka wahaabiyada Sucuudiga oo la sii wado macal hubkoodii waaweynaa. Yaa wada waa macawisley gaajo hayso laakiin dalkooda daacad u ah.

Waxay dhinaca kale balan qaadeen beri oo Axada inay soo bandhigaan saraakiishii wahaabiyada ee la nolosha lagu qabtey.

Hoos Ka daawo hadalka afhayeenka oo cad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.