X

Dawlada oo garowsatey codsi u yimi xili Kiiniya haysato Kismaayo

Dawlada Somaliya ayaa dib u fasaxdey duulimaayadii tegi jirey Kismaayo kadib codsi laga maarmi wayay oo ka yimi shacabka ku nool deegaanadaas. Xayiraada ayaa markii hore loogu talogalay ciidanka Kiiniya ee jooga Kismaayo ee marnaba ma ahayn wax ku socota shacabka.


Wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali ayaa ku dhawaaqday go’aan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aadan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo.


Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulimaadyadda Kismaayo ay la mid noqon doonaan duulimaadyada magaalooyinka Soomaaliya.

Maamulka Hey’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23-ka bishan sagaalaad illaa 26-ka bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.