Kadib markii dalkeedu noqdey goob ay ku hirdamaan wadamada Iiraan iyo Maraykanka ayna u dambeysay in Maraykanku ku dilo sarkaal sare oo Iiraaniya, ayaa raiisal wasaaraha Ciraaq soo jeediyay in askarta Maraykanka ah laga saaro dalka.
“Waa talaabo mideyn karta Ciraaq haddii ay ku dhaqaaqaan inay dalka ka saaraan askarta Maraykanka ee gumeysta tan iyo dilkii Sadaam Xuseen iyo weliba burburintii Ciraaq ee gaaladu isku habar wacatey ayuu yiri Xuseen Warsame.
Dilkii Qaasim Suleymaan
Raiisal wasaaraha Ciraaq ayaa u sheegay kulan degdega oo uu yeeshay golaha barlamaanka ee dalkaasi in Maraykanku ogeysiisay weerarkii uu ku diley Jeneraal Qaasim Suleymaan daqiiqado kahor inta ayna fulin dilka.
Wuxuu raaciyay in dawladiisa diidey dalabkaas lagu dilayo jeneraalka laakiin aan dheg-jalaq loo siin.
Jeneraal Qaasim Suleymaan wuxuu ku soo socday kulan uu ila lahaa aniga intaan la dilin kahor ayuu raaciyay Caadil.
Sidaa darteed waxa ku jirta danta Ciraaq in ciidanka Maraykanku ka baxaan dalka ayuu yiri Caadil Cabdil Mahdi.
Intaas kadib barlamaanka Ciraaq ayaa si buuxda ugu codeeyay in askarta Maraykanka laga saaro dalka. Talaabadan ayaa weji-gabax ku noqonaysa Maraykanka, waxase la sugaa talaabada xigta ee Ciraaq qaado si loo fuliyo amarka golaha shacabka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS