X

Xerada cagaaran ee Maraykanku ku leeyahay Baqdaad oo markale la garaacay

Waxa goor dhaweyd sadex madaafiica lagu garaacay xerada Maraykanku ku leeyahay Baqdaad ee lagu aruuriyay safaaradaha iyo dawlad dhoodhoobka bedeshay tii Sadaam Xuseen. Madaafiicdan oo aan ahayn kuwo hagan ayaan gaysan wax khasaare ilaa hadda inta la ogyahay.


Waxa weerarkii Maraykanku ku diley sarkaalkii madaxa hawgalada kadib hurdo seexan la ciidanka Maraykanka ee ku sugan Ciraaq ayadoo dawlada Iiraan wacad ku martey inay Maraykanka ka saarto gobolka.


Hogaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan ayaa isna wacad ku maray in Maraykanka laga sifeeyo gobolka xilli Xagjir Taram is leeyahay doorasho ku leh weerarka Iiraan xilli isaga laftiisu Obaama ku eedayn jirey inuu weerarayo Iiraan si loo doorto.


Maraykanka aya Iiraan hoos ugu sheegay aargooso laakiin haka sii badbadin haddii kale waa inoo dagaal. Maraykanka ayaan Iiraan la geli Karin dagaal toosa waana ta keentay inay Ciraaq ku dagaalamaan.

Rashid Ceelanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.