Dagaal xoogan ayaa xalay fiidkii ka dhacay aaga Gorayacawl kaas oo dhexmaray ciidamada Awdalstate ee aaga Gorayacawl iyo maleeshiyo beeleedka Somaliland oo goobta soo dhigey hubkii laga bililiqaystey dawladii Somaliya. Dagaalka oo cabaar socday ayaa waxa dib u gurasho sameeyay ciidan beeleedka Somaliland. Dagaalkan oo aad u xoogana lama hayo faahfaahin badan iyo khasaaraha labada dhinac.
Ciidamada dib u hanashada Awdal ayaa weeraro cabsi geliyay ku soo qaaday maleeshiyo beeleed laga soo buuxiyay magaalooyinka Awdal.
Ciidamada dib u hanashada Awdal ayaa laga baqayaa in ay kala jaraan wadooyinka waaweyn ee soo gala Adal ama ka baxa sida jidka SNM ka dhisayso xeebta ee Siilaanyo bixiyay 300,000 ee doolar xilli dadkiisu gaajo u dhimanayaan.
La soco wixii ka soo kordha wararkan
Maxamed Yuusuf wararka woqooyiga Somaliya
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay