X

Deg deg: dawlada Somaliya oo ku dhawaaqdey in berito ciid tahay

Wasaarada diinta ee dawlada Somaliya aya ku dhawaaqdey in berito ay tahay ciid kadib markii bisha laga arkey gobolada dalka qaarkood. Wasaarada ayaa la soo daahdey ku dhawaaqida loona macneeyay in la sugaayay dhaarinta dadka arkey.



Ilaa dhowr qof oo la soo xiriiray wasaarada ayaa iyagu sheegay inay indhahooda ku arkeen bisha. Waxaana arrintan xaqiijiyey culimo loo diyaariyey hubinta iyo xaqiijinta dhalashada bisha Shawaal.



Agaasimaha arrimaha diinta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay inay xaqiijiyeen dhalashada bishii Ramadaan, isla markaana dad badan oo la soo xiriiray oo qaarkood ay aqoon u leeyihiin ayna u xaqiijiyeen dhalashadii Bishii Shawaal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.