Wararka ka imanaya Masar ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay Masar kana soo kacday xalay magaalada Paris ee caasimada Faransiiska ayaa lumisay xiriirka ay la lahayd isgaarsiinta Masar sidaana lagu la’yahay ilaa hadda. Masar ayaa sheegtay in diyaaradu soo gashay hawadeeda laakiin haddana xiriirku u go’ay.
Waaxda hawada ee Masar ayaa sheegtay in ay bixin doonaan warbixin kolba siday u helaan. Diyaaradan ayaa waxa saarnaa ilaa 59 rakaab ah iyo shaqaalaha ka shaqeeya oo iyaguna ahaa 10 taas oo ka dhigeysa diyaarad yar.
Xilliga diyaaradu lumisay isgaarsiinta u dhaxaysa iyada iyo waaxda hagta diyaaradaha ee Masar ayaa waxay dul socotey badda loo yaqaan midhatareniyanka ee u dhaxaysa Masar iyo Faransiiska.
Waxay ahayd bishii Maarso markii la afduubey diyaarad ay leedahay Masar loona weeciyay jasiirada Qubrus inkastoo markii dambe la sii daayay rakaabki saarnaa.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay rakaabka ku jireen sadex caruura. Masar ayaa sheegtay in ay baaritaanka kula jiraan Giriigu.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay