X

DEG DEG: Diyaarad si khatara ugu soo degtay garoonka Muqdisho iyo wararkii u dambeeyay: SAWIRO

Diyaarad si khatara ugu soo degtay garoonka Muqdisho iyo wararkii u dambeeyay. Diyaarad ayaa hadda dhex fadhida garoonka. Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in diyaaradan ay lahayd shirkada Bancroft waana nooca yar ee qaada labaatanka qof ama ka yarba.

 Afar qof oo diyaarada saarnaa ayaa ka booday diyaarada, kaddib markii diyaarada ay sameysay degitaan halis. Diyaarada oo lugaha u bixi waayeen, dhowr jeerna ku dul wareegatay ayaa ku bur burtay dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha, halkaasoo ay iminka dhex taalo.



Saraakiil ka tirsan Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa sheegaya in diyaarada ay markii hore soo gudbisay farriin deg deg ah, kaddib markii ay lugaha u bixi waayeen, isla markaana shidaalka uu gabaabsi ka ahaa.



Howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, ma jiro wax duulimaad ah oo hada ka jira, diyaaradihii ka dhoofi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa ayaa dhamaan la joojiyay.

Ma ahan markii u horeysay ee diyaarado ku bur buraan garoonka diyaaradaha Aadan Caddde ee magaalada Muqdisho, dhowr sano ka hor ayay aheyd diyaarad hub siday oo xilli ramadaan ah ku bur burtay garoonka, taasoo ka timid dalka Itoobiya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.