X

Gabdhihii maamulka Siilaanyo gacanta u geliyay Denmark oo hadlay

Gabdhihii maamulka Siilaanyo gacanta u geliyay Denmark ayaa markii ugu horeysay la hadlay saxaafada dalkaasi. Fadeexada gabdhahan gacanta loogu geliyay Denmark ayaa lagu tilmaamay mid ictiraaf looga raadinayo.

Gabdhahan oo la hadlay telefishanka labaasd ee dalkaasi Denmark ayaa sheegay in la garaacay oo loo gaystey jidh-dil sidoo kalana lagu xirey katiinado muddo lix bilooda oo ay ku jireen xarun ku taal Hargeysa oo aan la garanayn cida samaysatey.



Gabdhaha ayaa tusay nabaro ay sheegeen in lagu dhiftey intii ay ku jireen xarunta. Mid ka mida gabdhahan oo lagu magacaabo Yaasmiin Cismaan ayaa sheegtay in ay ka baxsatey xaruntaas kadibna ay la xiriirtey safaarada si loogu soo gurmado.



Telefishanka ayaa waraystey haweenay u dooda xuquuqda caruurta oo sheegtay in ay suurogal tahay in waalidiinta maxkamad la soo taago dhigey gabdhahooda meel aan habooneyn oo lagu jirdilo.

Waxay waraysteen wasiir maamulka Siilaanyo u qaabilsan cadaalada laguna magacaabo Axmed Cadare oo Ingiriiska ka dhiiban ayaa isna sheegay in ay tahay wax laga xumaado in gabdhuhu ku sugnaadaan meel sidaas u xun.

Soo diyaarintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.