X

Deg deg: Jabhadda Caare oo war ka soo saartey dagaal ay Muuse Biixi la galeen

Jabhadda Caare ee gobolka Sanaaag ayaa war ka soo saartey dagaal ay Muuse Biixi la galeen. War qoraala oo ay saxaafada siiyeen ayay ku sheegeen inay khasaare gaarsiiyeen ciidanka Muuse Biixi oo weerar ku soo qaadey ayagana wax khasaare ah soo gaarin.


Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka buuraleyda ee Hal-dhaadan oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka Muuse Biixi soo direy ayaa weerar ku qaaday ciidan uu watey korneyl Jamaal Ducaale Maxamed (Baaxad) oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa buuraleyda dhaca Sanaag.


Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) oo dhawaan ka hadlay garabka Jabhadda Caarre ee ku sugan deegaanka Hal-dhaadan ayaa sheegay in uusan agtooda wax weyn ka ahayn Korneyl Baaxad oo ay si fudud u soo qaban karaan, balse ay u turayaan.


Waa markii ugu horeysay oo maamulka Muuse Biixi si toosa u weeraro jabhadda dib u xoreynta Somaliland ee uu hogaamiyo jeneraal Siciid Cawil Jaamac (Caarre).

Caare ayaa ka tabanaya cadaalad daro uu Muuse Biixi kula kacay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.