X

Deg deg: Kiiniya oo ku gacan saydhey dacwada badda intaan natiijaba soo bixin

Kiiniya ayaa ku gacan saydhey dacwada hadda taala maxkamad ku taala dalkaasi Holland oo qaaday muranada badda. Kiiniya oo calaacal u gudbisay qaramada midoobey ayaa shegtay inayna dhulkeda ka tanaasulayn.

”Hore ayaan u diidney in sheekada badda la maxkamadeeyo waayo Somaliya ayaa heshiis is-afgarada la galney sanadii 2009, waxase nasiib daro ah in lana dhegeysan waayay oo maxkamadu na diidey, sheegtayna in ay arinkan geli karto ayay haweenayda wasiirka arimaha dibedda. tiri.


” Waan diidney maxkamadaa taas way cadahay ayay tiri iyadoo calaacal u gudbisay qaramada midoobey.

Kiiniya qasaare ayay taagan tahay hadday ogolaato dacwadaa waayo waxaan lumin doonaa dhamaan inta badan wixii bad la oran jirey, waxayna raacisay in taas ka sokow ay dacwado hore leh nagu furi doonaan wadanka Tansaaniya.


Ugu dambeyn waxay hadda haweenaydaa wasiirka arimaha gudaha ku calaacalaysaa in maxkamadaa caalamiga ah uu hadda madax ka yahay nin Somali ah taasina ay cadahay inuu la safan doono dalkiisa.

Hadalkaas oo ah mid caruurnimo ah maadaama ayna taasi dhacayn oo maxkamadu raacayso qawaaniin yaala oo calami ah. Si kastaba ha ahaatee diidmada Kiiniya waxa ku raacsan xubno ku xiran maamulka xagjir Taram oo iyagu qaba Kiiniya inay si kasta leedahay badaas.


Su’aasha dad badani is weydiinayaan ayaa ah maxaa Somaliya u furan mar hadday cadahay in Kiiniya damcayso intii ka hadhay dhulka hore loo siiyay?

”Anigu waxaan oran karaa hadda waxa la gudboon in askarta Kiiniyaanka laga saaro Somaliya haday diidaana hilfaha loo qaado ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga bal ha dambeyso inta kalee.


Kiiniya oo jecel in Somaliya fowdo ku jirto ayaa waxay martigelisaa horjoogeyaal waxma garato ah, waana ta ay muhiim u tahay in askarteeda gabdhaheena kufsata laga saaro dalka ugu horeynba, haba ooyo Axmed Madoobe hadduu rabee ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.