X

Deg deg: Iiraan oo dhulka soo dhigtey diyaarad Maraykanku leeyahay

Iiraan oo aad u diyaarsan ayaa sheegtay inay dhulka soo dhigtey diyaarad ah nooca la wadin oo basaas ahayd oo Maraykanku leeyahay. Iiraan ayaa sheegtay in diyaaradaas oo ah nooca uu ku faano Maraykanku ee wax basaasa lala dhacay hal gantaal oo kuwa garabka laga tuuro.


Maraykanka ayaa hadda qirtey in Iiraan dhulka soo dhigtey diyaaradan oo ahayd nooca masaafo fog oo cirka ah wax ka basaasta sheegayna inay ku jirtey hawada caalamiga ah.

Diyaaradaha aan la wadin ayaa aduunku aad u isticmaalaa wayna fududahay in dhulka la soo dhigo. Maraykanka ayaa Axadii sheegay in Iiraan ku fashilantey inay soo rido diyaarad sidan oo kale ah oo dulmaraysay markabkii ku qarxay badda Cumaan.


Iiraan ayaa aad u feejigan xilli Xagjir Taram uu rabo inuu u cagajugleeyo. Diyaaradan ayaa xilliga la soo ridey ee ay soo gashay hawada Iiraan dul maraysay gobolka Hormogsaan.


Soo ridida diyaaradan ayaa ka dhigan in Iiraan feegitan tagay aadna u ilaalinayso hawdaeeda. Labada wadan ayaan joojin doonin isticmaalka diyaaradaha noocana.

Iiraan ayaa waxa dagaal kula jira Yuhuuda, Maraykanka iyo wahaabiyada Sucuudiga oo dhinaca oo marka la isku daro ku fadhiya balaayiin doolar.


Yuhuuda ayaa shalay samaysay dhoolatuskii ugu weynaa ee cir iyo dhul ayadoo soo bandhigtey hubkii Maraykanka noocii u dambeeyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.