Johenisberg–Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashir oo loo dhigey shirqool lagu kala dilayo madaxda Afrika ayaa goor dhaweyd ka duulay Pritoria wuxuuna hadda ku sii jeedaa caasimada dalkiisa ee Khartuum. Wariye ka soo waramayay garoonka OR international ayaa xaqiijiyay in diyaaradiisii ka kacday garoonka iyadoo la ii dhaweeyay.
Maxkamad la soo abaabuley oo ay wateen reer galbeedka ayaa qoraal ku soo saartey in la joojiyo bixida madaxweynaha Suudaan oo ay haysato maxkamad lagu sheegay caalami laakiin xukunta kaliya madaxda Afrika.
Wadamada midowga Afrika ayaa go’aan ku gaaray in aan lala macaamiloon maxkamadaas haddii uu jirio madaxweyne fadhiya.
Dawlada Suudaan ayaa dhinaca kale sheegtay in ay qaban doonto shir jaraaid marka diyaarada madaxweynaha ay soo cagadhigato Khartuum.
Madaxda Koofur Afrika ayaa hore u sheegay in ay jirto mu’aamarad lagu khalkhal gelinayo hanaanka demoqraadi ee dalka loona adeegsanayo dano shaqsi iyo mid NGO ah oo ay uga jeedaan maxkamada ku taal Hague ee dalkaasi Holland ee qaada dambiyada. Waxayna ku hanjabeen in dalku dib uga fiirsado heshiiskii ay saxiixeen iyo ka mid ahaanshaha maxkamadaasi.
LIKE Saar ARAABINEWS.COM/FACEBOOK
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay