Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa ku dhiiradey inuu dib u celiyo dhalashadii uu ka haystey dalkaasi Maraykanka mudada dheer. Farmaajo ayaa dalkiisa hooyo ka haya jagadii ugu saraysay talaabadanina waxay muujinaysaa mid uu u qaaday dhinaca wadanimada.
Madaxweynaha ayaan u baahneyn dhalashada ayadoo ayna jitin wax ay kala maqan tahay oo hadda ku tegi kara meelkasta baasabor Somaligiisa
Hadaba qoraal kooban ayaa lagu xaqiijay sida arintan u dhacdey iyo wadada loo maray.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.
Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Dastuur dhoodhoobka gaalada laga soo guuriyay ee hadda dalku isticmaalo ayaa ogol in shaqsiga Somaliga ah qaadan karo dhalasho kale inkastoo xilligan cidina ka murmi karin maadaama Somalidu dalkeeda burburisay haddana jufooyin loo sii kala riixayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in markii la doorteyba uu bilaabay dib u celinta baasaboorkaas. Dib u celinta baasaboorka ayaa ka dhigeysa madaxweynaha mid u xora fikirkiisa iyo mabaadiida kale ee dalka lagu hogaaminayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS