15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Deg deg: Madaxweynihii Gambiya oo is dhiibey xukunkana ka degaya

Madaxweynaha dalka yar ee Gambiya ayaa la sheegay in uu xukunka ka degayo. Arintan ayaa timi kadib wadahadal dhexmaray madaxweyne Jaamac iyo madaxweyneyaasha Gini iyo Muriteeniya.


Warkan ayaa waxa shaaca ka qaaday madaxweynaha la doortey ee Adama oo si fadeexaysan loogu dhaariyay Sinigaal oo ciidankeedu soo galay Gambiya.

Adama ayaa bartiisa twitter ku sheegay in Jaamac xukunka ka degayo ilaa hadase lama hayo hadal saxa oo ka soo yeeray Jaamac.


Gambiya ayaa waxay ka tirsanayd Sinigaal waxase kala qaybiyay gumaystihii dalka ku soo duley waxayna leedahay xeebyar oo reer galbeedku u soo dalxiisaan qaasatan Ingiriiska.


Hadalka madaxweynaha cusub ayaa dalka ka badbaadinaysa jahwareer iyo qax siyaasadeed oo ayna waligeed ka soo kabanayn.

Adama oo ah madaxweynaha la doortey ayaa sheegay in Jaamac ku noolaan doono dalka dibediisa gaar ahaan Gini oo iyagu dhexdhaxaadiyay inkastoo uuna sheegin.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS