X

Deg-deg: Maleeshiyadii Kiiniya soo hubeysay oo la jabiyay

Dawlada Somaliya ayaa soo af-jartey weerar xalay ay soo qaadeen maleeshiyo Kiiniya ay soo hubeysay kadibna xadka ka soo gudbisay. Ciidanka Kiiniya ayaa madaafiicda kala joogey dhinaca dambe laakiin isla markiiba waa la jabiyay. Waxay ku dileen madaafiicdaas hal qof halka khasaaraha uu ku jiro hanti dadweyne.


Kiiniya ayaa rabta inay bedesho xaalada dhulka si ay gobolka gobolka Gedo gacanta ugu dhigto. Dagaalka oo dhinaca madaafiicda Kiiniya ka caawinaysay ayaa ciidabka Somaliya oo aad u tababaran garaacay kana qabtey inta badan maleeshiyadii.

”Waxa shaki la’aana in maleeshiyadaas Kiiniya soo hubeysay waayo ma jirto maleeshiyo awood u leh inay jabiso ciidan ay leedahay dawlada Somaliya ayuu yiri Cali Calasow.


Dagaalka Kiiniya soo qaaday ayaa ku qasbaysa madaxweynaha Somaliya inuu dalka ku soo rogo xukun degdega ama dalbado in ciidankiisu helo hub ay dalka uga difaacaan.

“Ciidanka Kiiniya iyo jabhadii ay quudineysay ayaa xalay saq dhexe soo weeraray Beled-Xaawo, iyagoo ka soo gudbay xuduuda si ay u qabsadaan magaalada, taasi oo dhaawaceysa qaranimada iyo madax banaanida dalkeena,” ayuu yiri wasiir Dubbe.


“Jabhadii iyo ciidankii shisheeye in laga adkaaday ayaan shacabka ugu bishaareynayaa iyo in ku dhow 100 maxbuus oo dagaalka lagu qabtay, waana la jebiyay ayuu raaciyay Dubbe.

Kiiniya marnaba ka guulaysan mayso Somaliya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.