X

Dagaalka Kiiniya soo qaaday wuxuu muujinayaa inayna dalka waxba ula harin

Waxa Kiiniya xalay weerar ku soo qaaday magaalada Beled-Xaawo ee xadka Somaliya iyo Kiiniya waana la jabiyay maleeshiyadii ay soo hubeysay. ”Hubka maleeshiyadu isticmaalaysay waa la garan karaa maaha hub ay soo iibsan karaan ayuu yiri Cali Calasow.


”Waqtigan lagu jiro maleeshiyo ma awoodi karto inay ciidan tababaran oo qaran ay jabiso siiba dagaal toosa, waxase taas fududeynaya Kiiniya oo ka faaiideysanaya cunaqabataynta hubka ee saaran dalka ee ay ku sii adkeeyeen saaxiibaded Ingiriiska iyo kuwa kasle ayuu raaciyay Cali Calasow.

Ujeedadu maaha in lagu xumeynayo madaxweynaha hadda jira oo sii kordhisay taageerada uu haysto loona arkayo nin ku adag qaranimada iyo difaaca dalka, waxase loo dan leeyahay in dalkan ayna dawlad ka dhan adag oo difaacda.


Si kastaba ha ahaatee waxa hubaala Kiiniya ayadaa ku jabaysa waayo Somaliya waxba uma qarsoona, waa haddii Somaliya talaabada ku haboon isna hubeyso.

”Kiiniya cidla been u sheegi mayso waxana hubala inayna guulaysanayn oo dhegta dhiiga loo dari doono xata kuwa ay wadato. Dagalka ay soo qaadayna wuxuu muujinayaa in aan dalka waxba loola harin

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.