11/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Deg deg: Portuqaal oo garaacdey Faransiiska sidaana ku qaadey koobka kubada ee reer Yurub

Portuqaal ayaa garoonka Faransiiska oo ay ka buuxaan gudaha iyo dibedda 180 kun oo taageerayaala ku hor garaacdey sidaana ku qaaday koobka kubada cagta ee qaarada Yurub oo afartii sanaba hal mar la qabto.

Portuqaal ayaa waxa ka dhaawacmey xidigooda Ronaldo xilli hore oo ciyaarta markii jilibka laga dhaawacay. Ciyaarta ayaa qaybti hore ku dhamaatay eber eber waxana lagu daray 30 daqiiqo halkaas oo qaybtii labaad ee sodonka daqiiqo Portuqaal ay dhaliyeen gool cajiiba uumna dhaliyay xidiga madow ee EDER.

Portuqaal oo had iyo jeer soo bandhiga ciyaar wanaag ayaan nasiib u yeelan in ay qaadaan koobka qaarada Yurub. Koobkan 2016 ayaa ahaa koobkii ugu liitey dhinaca ciyaartoyda reer Yurub iyadoo ayna jirin xidigyo abuuri kara ciyaar wanaag.

portugal-vs-france-euro-2016-1107

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS