X

Deg-deg: Ruushka oo si adag u edbiyay dabadhilifka Yukrayn

Milatariga Ruushka ayaa garaacay xarunta sirdoonka Yukrayn ee caasimada dalkaasi iyo galbeedka wadankaas kadib markii ay shalay weerar argagixiso ah ku qarxiyeen buundo isku xidha gobolka Karaymiya iyo Ruushka


Caasimada dalkaasi Yukrayn ayaa hal mar gariirtey ayadoo uu burbur xoogleh soo gaaray dhismaha uu ku shaqeeyo sirdoonka oo shalay ku faanay inay qarxiyeen buundada Karaymiya. Baaritaan Isla shalay Ruushku soo saaray ayaa madaxweyne Faladhimeer Buutin ku sheegay in Yukrayn ka dambeyso weerarka argagixiso ee buundada.


Madaxda Ruushka ayaa dhowr mar ka digey haddii dabadhilifka Yukrayn ee u adeega Maraykanka uu joojin waayo weerarada uu la beegsanayo shacabka iyo gudaha Ruushka uu si toosa u weerari doono xarunta laga soo amrayo weerarada noocana.


: Runtii jawaab kulul ayay u tahay dabadhilifka Yukrayn ee Yuhuudiga ah ee si toosa uga amar qaata Maraykanka xilli reer galbeedka ay cabsi weyn ka hayso in Ruushka adeegsado hubkiisa nukliyeerka, Isla haddana Maraykanku bilaabay inuu bedelo luqada dagaalka.



Ruushka ayaa hadda dagaal kula Jira in ka badan 25 wadan oo reer Yuruba oo dhamaantood uu wato Maraykanka. Wadamadaas ayaa Maraykanku burburiyay dhaqaalahooda kadib markii uu ku amray inay joojiyaan iibsiga saliida jaban ee Ruushka, haddana waxa Maraykanku ka gadaa saliidiisa qaaliga ah oo markab ku timaada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.