War hadda soo dhacay ayaa sheegayay in sadex haweena oo wajigu u qarsan yahay ay weerar ku qaadeen xarun booliis oo ku taal magaalada Mombasa oo ay degan yihiin muslimiin aad u farabadan.
Sadexda haween ayaa la sheegayaa in ay u tageen xarunta booliis si ay dambi u diiwaangeliyaan, dambigaas oo ahaa moobil laga xadey laakiin midi ula soo baxdey midi halka mid kalana dhalo gaas ku jiro ku tuurtey xarunta sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska.
Laba ka mida askarta booliiska oo lagu yaqaan jirdil iyo kufsi ay u gaystaan Muslimiinta ayaa goobta ku dhaawcmay kuna gubtey. Wararka ayaa sheegaya in kadib haweenku baxsadeen.
Warar mardambe soo baxay ayaa sheegaya in sadexdaba halkii lagu dilay. Ilaa hadda lama garanayo in weerarkan ay ka dambeeyeen argagixisada shabaab oo adeegsata dad aan caqligoodu dhamayn.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay