November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Deg deg: Safiirkii Ruushka oo dhaawaca xilli urur diimeedka akhwaanku banaanbaxyo dhigayeen

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii qorsheysnaa ee lagu dhaawacay Safiirka Dowladda Ruushka u fadhiya Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga.

Urur diimeedka uu ka tirsan Erdogan ee akhwaan muslimiin iyo kuwa Nusra ee Yuhuudu taageerto ayaa banaanbaxyo ka dhigay caasimada Turkiga iyagoo eedaynaya Ruushka.

Ninka dilka gaystey ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa nin watey ama la siiyay aqoonsiga booliiska. Erdogan ayaa dhawaan raaligeliyay Ruushka xili uu siyaasad ahaan galay go’doon.

Dhaawaca Danjire Andrei Karlov ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid halis ah, isagoona loola cararay isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 3 Ruux oo goobta ku sugnaa maadaama Safiirka uu hadalo ka jeediyay bandhig lagu sameynayay Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga.

Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dalka Turkiga ayaa durbo xaqiijisay dhaawaca Danjire Andrei Karlov.

Ciidamada amaanka ee Dowladda Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in toogasho ay ku Dileen kaaligii dilka ka dambeeyay weerarka lagu dhaawacay Safiirka Dowladda Ruushka.

Wargeyska Hurriyat oo ka soo baxay Dalka Turkiga ayaa waxuu baahiyay in Ninkii fuliyay weerarka uu ku dhawaaqayay erayo muujinayay in uu ka tirsan yahay Ururka Daacish.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkii lagu dhaawacay Safiirka Dowladda Ruushka u fadhiya Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga.

c0dbzeqwgae_f0b c0dds10wiae5drl c0ddsdpxcaalqro c0ddwxpw8aqa4ej-1 c0ddwxpw8aqa4ej c0depjtxeaa-w6y c0dwxwzw8ai58gc

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS