24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

DEG DEG: Saylici oo ku guulaystay xilka gudoomiye xigeenka xisbiga muranku ka jiro ee Kulmiye

Waxa hadda loo doortey gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Saylici oo ku garaacay Xaglatoosiye tiro badab laakiin laga baqayay in uu ku guulaysto.  Xaglatoosiye ayaa noqotey xubintii ugu horeysay ee ka soo jeeda gobolka Sool oo intooda badan ay ka taliyaan Khaatumo State oo isku soo sharaxa xisbiyada Somaliland.

Saylici ayaa helay codad gaaraya  230 halka Xaglatoosiye uu helay 114 cod. Saylici ayaa hore u sheegay haddii looga helo musharaxnimada in uu hadaynayo.

Xaglatoosiye ayaa sheegay in guuldaradu mar guul tahay wuxuuna sheegay in lagu shubtey ayna haboon tahay in doorashada dambe la saxo. Intii I dooratay waxay ahaayeen in jecel midnimada Somaliland inta kalana Ilaah ha soo hadeeyo ayuu yiri Xaglatoosiye.

Xaglatoosiye ayaa sheegay in uu dib u dhigtey hadalkiisa inta badan iyo kuwa uu u sheegi doono taageerayaashiisa. Hadalkaas Xaglatoosiye oo mar laysku dayay in hadalka laga joojiyo ayaa loo qaatay mid uu go’aan kaga qaadanayo wuxuu arkay. Doorashada Saylici ayaa la filayay mar haddii la diidey musharaxiintii badnayd ee isa soo taagay.

Saxaafada Khaatumo State ayaan iyagu markii horeba rabin in Xaglatoosiye uu ka soo jeedsado hallkaas haddana waxay u muuqataa in ay ku qoslayaan markay maqlaan hadalada noocana.

 Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM