X

Deg-deg: Suuriya oo dhulka soo dhigtey gantaalo soo gantey iyo hubka ay isticmaaleen

Yuhuuda oo la kulantey dhabarjabkii ugu xumaa kadib markii ciidanka lidka diyaaradaha ee Suuriya ay dhulka soo dhigeen ugu yaraan afar gantaalo oo Yuhuudu ka soo gantey diyaaradaha Maraykanku siiyay.


”Waxa caadi ahaan jirtey in Yuhuudu gantaalo ka soo rido hawada dalka Lubnaan ayadoo beegsanaysa ciidanka Suuriya iyo xataa difaaca dalkaasi maantase intiiba dhulkaa laga soo dhigey sida ay sheegeen milatariga Ruushku.

Milatariga Ruushka ayaa sheegay in dhamaanba gantaalahaasi ay soo rideen gantaalaha lidka diyaaradaha ee Ruushku siiyay Suuriya ee loo yaqaan BUK. Gantalahan ayaa lagu yaqaanaa in difaacoodu aad u adag yahay.


Diyaaradaha Yuhuuda oo aan hadda si toosa u imaan karin hawada Suuriya ayaa gantaalaha ka soo tuura hawada Lubnaan iyo xadka dalku la leeyahay Urdun.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.