X

Deg deg: Ugu yaraan 50 qof oo lagu diley kilaab Khaniisiin leedahay dalkaasi Maraykanka

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintey kilaab khaniisiin leeyihiin ahna kuwa lagu tunto habeenka magaalada Orlando ee dalkaasi Maraykanka. Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in waardiyaha uu dagaal la galay laakiinse raga qoryaha watey ay gudaha u soo galeen maqaaxida lagu caweeyo.

Maraykanka ayaa sheegay in ay tahay fal argagixisnimo laakiinse ayna xaqiijin Karin in qolyahay Daacish ka dambeeyaan falkan. Booliiska ayaa gudaha u galay maqaaxida waxana lays waydaarsaday rasaas waxana la sheegay in la diley mid ka mida ragii weerarka soo qaaday.

Booliiska ayaa baadhaya raga ka dambeeyay falkan waxase la sheegayay in la qabsaday dadkii ku jirey kilaabka qaar ka mida. Dhaawaca ayaa la sheegay in uu gaaray 53 qof.

Ninka la sheegay in uu weerarka gaystey ayaa wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in la yiraa Cumar Mateen (Sawirka hose) oo isna goobta lagu toogtey markii laga soo furtey dad u haystey.

Cumar Mateen (Sawirka sare)

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.