X

Turkiga oo laga badiyay ciyaar ay la lahaayeen Kurueshiya koobka qaarada Yurub

Turkiga ayaa lumiyay markii ugu horeysay muddo labo sano ah kadib markii ay Kurueshiya ku garaacday hal iyo eber ciyaar Turkigu so bandhigey fadhiidnimo iyo weerar la’aan ahaydna ciyaar aad u liidata.

Kurueshiya ayaa muujisay ciyaar wanaag waxayna ku dhawaadeen in ay dhowr jeer garaacaan goolka Turkiga oo difaacoodu aad u liitey. Turkiga ayaa ku Jira urur aad u adag laakiin laga yaabo in ay ka soo dhex baxaan.

 

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.