November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Deg deg: Wariye ka tirsan Somalichannel oo dil Xaglatoosiye maleegay ka badbaadey: maxaa lagu dilayaa

Wariye Cali Dhegjar oo u shaqeeya warbaahinta ku kooban dalalka Afrika iyo Eeshiya ee Somali Channel ayaa ku sigtey in la dilo kadib markii rasaas ooda looga qaaday xafiiskiisa halkaana lagu qaatey qalabkii uu ku shaqayn lahaa. Cali Dhegjar ayaa si toosa uga soo warama deegaanada Khaatumo State waxana muuqata in la rabey in la aamusiiyo.

Cali Dhegjar ayaa waraystey nin ay Xaglotoosioye xigta yihiin oo isa soo dhiibey waxana uu sheegay wariyuhu in Xaglatoosiye soo wacay kuna amrey in uu warkaa joojiyo waase ka diidey wariyuhu.

Intaas kadib ayuu Xaglatoosiye soo direy maleeshiyo khaarajisa sida wariyuhu sheegay. Prof Cali Galaydh ayaa geed sare ku xirey Xaglatoosiye oo raba in uu noqdo kan kaliya ee u hadla Buuhoodle.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS