Wasiir ka tirsan xukuumada Somaliya ayaa la diley caawa xilli uu ku sugnaa meel u dhow madaxtooyada. Wasiirka ayaa lagu magacaaba Cabaas Siraaji waxana uu ahaa wasiirkii hawlaha guud xilkana hayay muddo aad u kooban.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirku ku soo socdey madaxtooyada kadibna ciidamada madaxtooyadu ka shikiyeen kadibna ay rasaas ku fureen xilli amaanka madaxtooyadu aad loo adkeeyay.
Waxa la iswaydiin karaa is faham la’aanta ka dhexjirta ciidamada madaxtooyada iyo madaxda dawlada sida wasiirada. Ilaa hadda ma cadda in ay ku jirto siyaasad.
Cabaas Siraaji ayaa ahaa wasiirka ugu da’da yar wasiirada waxana wararkii u dambeeyay sheegayaan in ay dileen ilaalada masuul kale oo dawlada ka tirsan. Cabaas ayaa dagaal loogala qaxay wuxuuna ku soo korey xeryaha qoxootiga dhabaab.
Dhinaca kale argagixisada ayaa sheekh caana ku dishey Muqdisho kadib markii ay gaaleeyeen kuna hor sugeen masaajid hortii. Masaajida Muqdisho ayaa faaruqa oo argagixisada loo daayay ayadoo ay yihiin goobaha lagu ugaadhsado dadka.
Sheekha ayaa lagu magacaabaa Sheekh Maxamed Cadow Maxamuud.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay