29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Deg deg: wasiirka Dhulbahante ee biyaha Baashe Jaamac oo loo diidey in u galo guriga Siilaanyo

Aqalka Siilaanyo ayaa Waxaa Laga Celiyay In Uu Galo Si Uu Ugu Qayb Galo Shirka Golaha Wasiiradda Somaliland Wasiirka Biyaha Baashe Jaamac.

Wasiirkan Dhulbahante ayaa ka cawdey in shaqadiisii uu qabsan kari waayay kadibna bilaabay in uu eryo wasiir ka hoos shaqeeya oo ka tirsan beesha Siilaanyo.

Waxa erida ka cadhoodey Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.

Geesta Kale Celinta Wasiirka Wasiirka Ayaa Keentay In Wasiirka Madaxtooyadda Ka Cadhoodho Ka Dib Markii Baashe Sheegay In Maalinba Ninka Madaxwaynaha Ay isKu Reerka Yihiin Uu Waxa Uu Doono Samaynayo,

Waxay tilmaamaysaa maamul xumada ka jirtya maamulkan Hargeysa ee beesha kaliya iska maamulato. Dhicaca Kale Waxaa Sii Laba Kacleeyay Khilaafkii U Dhexeeyay Labadan Wasiir, Wallow Aanu Madaxwayne Siiraanyo Ka Jawaabin Wasiirkan Wasiirka Dhigiisa Ahi Amray In Madaxtooyadda Laga Celiyo.

wasiirka-biyaha-somaliland[2]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS