X

Deg deg: Xisbiga Waddani oo ka baxay wada shaqayntii ay la lahaayeen gudiga doorashada Somaliland

Xisbiga Waddani oo ka baxay wada shaqayntii ay la lahaayeen gudiga doorashada. Xisbiga Wadani oo qabtey shir jaraaid ayaa ku sheegay in ku shubasho baahsan jirto qaar ka mida degmooyinka, waxayna soo bandhigeen buugaag beena laakiin la iska indhatireen.

Waxa jirtey baryahan warar sheegaya in Imaaraadka iyo Itoobiya ayna rabin in xisbiga Wadani soo baxo si arinta dekedda Berbera looga hadlin ama isbedel ku iman.

Waxay sheegeen inay ku shubashadan ay u gudbin doonaan madaxda xisbiga. Arintan ayaa ka dhigan in doorasho xalaala ka dhicin taas oo dad badan ka baqayeen.



 



Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.