X

Magacyada argagixiso gacanta lagu dhigey deegaano u dhow Afgooye

Magacyada argagixiso gacanta lagu dhigey deegaano u dhow Afgooye. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulanka Golaha wasiirrada ayaa sheegay in 29 ay yihiin xubnahani.



Waxa ku jira rag argagixisada u qaabilsanaa qaraxyada iyo samaynta isku xidhka qaraxyada laguna soo qabyey deegaano u dhow Afgooye, halkaas oo ciidamada dawladu ka fuliyeen weeraro qorsheysan.



Magacyada uu Wasiirku sheegay waxaa ka mid ah:

1- Aweys Qadar Axmed oo ahaa amiirka qeybinta howlgallada Al-shabaab ee Afgooye.
2-  Cabdullahi Maxamuud Mukhtaar oo ah farsamaqayaanka Qaraxyada Al-shabaab
3-  Saalax C/Qaadir Cabdulle oo ah madaxa lacagaha Al-shabaab ee Afgooye
4-  Maxamed Aweys Cali oo amniyaadka AL-shabab ka tirsan
5-  Maxamed Xuseen Salaad oo amniyaadka ka tirsan
6-  Maxamed Cali Xasan oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab,
7-  Bakar Maxamed Yacquub oo ahaa Miiniiste,
8-  Sakariye Salaad Maxamed oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab9- Iyo eedeysane Aweys Kamaal Sh. Muxiddiin oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabab.

Sidoo kale Wasiir Yariisow ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay C/Wali Cabdi Daa’uud oo horay u dilay Guuleed C/Qaadir Muuse oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska waaxda ilaalinta Cashuuraha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.