X

Yaman oo markale garaacday Sucuudiga iyo dhimasho jirta

Dawlada Yaman ee ay hogaamiyaan Xuutiyiinta ayaa gantaal ku garaacday garoon ay ka soo duulaan diyaaradaha Yuhuuda iyo Maraykanka ee duqeeya dadka shacabka ah ee dalka fiqiirka ah ee Yaman.


Dhimashada wahaabiyada Sucuudigu qirteen ayaa ah maraysa 2 qof oobay ku sheegeen Siiriyaan iyo Hindi halka dhaawacu gaarayo ilaa 7. Waa markii sadexaad ee gantaalaha Yaman u gaysteen wahaabiyada kibirsan khasaare.


Duqeyntan ayaa imaanaysa xilli Wahaabiyadu codsatey in la soo gaaro maadaama gaashaankii Maraykanku kaga cunry malaayiinta doolar shaqayn waayay.

Xagjir Taram ayaa soo direy wasiirkiisa arimaha dibedda oo hadda la sheegay inuu ku sii jeedo.


Xuutiyiinta ayaa isticmaalay gantaalo saaran diyaaradaha aan la wadin, waxayna sheegeen inay weeraren laba garoon diyaaradeed ee Yuhuuda iyo Maraykanka caawiya wahaabiyada ay ka soo duulaan.

Duqeyn ay gaysteen wahaabiyada Sucuudiga ayay ku dileen kumanaan Yamaniyiin ah oo u badan caruur maadaama ay weeraraan xarumaha dugsiyada iyo warshadaha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.