X

Degdeg: dagaal markale dib uga qarxay Boosaaso saqdan dhexe

Waxa dhawaqa rasaasta laga maqlayaa dhamaan magaalada inteeda kale waxana muuqata inuu dagaal culus dib u qarxay saacado kadib markii horjooge Siciid Deni uu sheegay inuu xabada joojinaayo.


”Waxa muuqata inaanu dhergin horjooge Siciid Deni oo uu lahaa gaad ama sii jilci laakiin waxa uu la kulmay wax aanu filayn ayuu yiri Cali Calasow. Rasaasta oo hadda aan badnayn ayaa isla saacadan ka socota magaalada. Dadka ayaan garanayn xagga xabadu ku socoto waxase muuqata in la riixay horjooge Siciid Deni.


Maadaama ay habeen tahay lama ogaan karo khasaaraha ka dhasha dagaalkan. Horjooge Siciid Deni ayaa la sheegay inuu hoobiye badan soo tuurayo. Dagaalkan dib u qarxay ayay niyad jab ku tahay dadka masaakiinta ee korkeeda uu ku dagaalamaayo horjooge Siciid Deni.



Fiidkii hore ee caawa ayaa siyaasiyiinta Butlaan ee aadka u jecel Nayroobi ay qoraal ka soo saareen xabad joojinta hadda jabtey.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.