X

Taliyaha ciidanka oo amray in la baaro dhul boob lagu eedeeyay Rooble

Taliyaha ciidanka xooga dalka jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa amray in la baaro dhul boob lagu eedeeyay gunti giijiye Maxamed Xuseen Rooble ayna eedan uu jeediyay taliyaha ciidanka badda.


Odowaa Yuusuf ayaa magacaabay guddi ka kooban 3 xubnood oo uu gudoomiye uga dhigey Sareeye guuto Maxamed sheekh Cali Maxamed ku xigeena uga dhigey sareeye guuto Maxamed Tahliil Biixi.


Warqad la sheegay inuu ka soo daba tuurey wasiirka gaashaandhiga ayuu ku sheegay in aan la baarayn raiisal wasaaraha la eedeeyay ee la baarayo taliyaha eeda jeediyay taas oo dad badan la yaabeen.



Si kastaba ha ahaatee warqada laguma sheegin mudada laga rabo in lagu soo celiyo jawaabta natiijada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.