X

Degdeg: Lamaane caawa lagu dilay degmada Laascaanood

ARAABINEWS WAR HADDA YIMI

Dilkii ugu xumaa ee laga argagaxo ayaa caawa ka dhacay degmada Laascaanood ee gobolka Sool. Lamaanaha oo aan welli la magacaabin ayaa xilliga dilka loo gaystey ku socday gurigooda.


”Aad iyo aad ayaan uga naxnay waa wuxuush dadka falkaan ku kacay ayuu yiri Xirsi Warfaa. Lama oga in falkaan uu yahay mid siyaasadeysan. Lamaanahan sida xun loo diley ayaa ka soo jeeda beesha Dhulabahante gaar ahaan Kheyr Cabdi (Qayaad).


Dilalka ka dhaca Laascaanood ayaa inta badan lagu eedeeyaa maamulka Somalilaan oo la sheegay inay ugaarsadaan dadka diidan joogitaankooda inkastoo qaar badan dadba socdaan.



Ma jirto wax faahaafhina oo welli ka soo baxay dilkan foosha xun.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.