November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Degdeg: maxaa u dambeeyay weerar Kiiniya ku qaaday Baladxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Kiiniya soo hubeysay ay weerar ku qaadeen ciidanka dawlada ee jooga halkaasi. Weerarkan ayaa imaanaya waxyar kadib markii dawlada Somaliya u sheegtay inay joojiso farogelinta.



Kiiniya oo taageero ku heshay hadalkii Maraykanka ee ahaa dawlada ma geyn karto ciidamo Jubooyinka ayaa siiyay awood ay ku hubeyso maleeshiyada Axmed Madoobe iyo ninka qaramada raadinayso soona weeraro magaalo nabada.



Kiiniya ayaa madaafiic ku garaacdey magaalada waxana gubanaya guryo ku yaala. Ujeedada weerarkan ayaa ah in la sii kala fogeeyo Somalida. Waxa dawlada Somaliya ku qasban tahay inay hub soo dejisato si ay isku difaacdo. Kiiniya ayaa sugeysay muddo noocana.



Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in weerarka Kiiniya ku qaxeen Somali badan. Ma jirto kooxaha jira dalka Cid Ka awood badan dawlada dhexe.

“Kiiniya degdeg waa in looga saaraa Kismaayo hadda wixii Ka dambeeya wax la daawado ma jiraan ayuu yiri Cali Calasow. Dawlada kuma qaadanayso saacad inay Axmed Madoobe iyo maleeshiyada u wato uga saarto Kismaayo ayuu raaciyay.

Waxay Kiiniya jebisay boqol jeer waxa loogu yeero cunaqabataynta hubka ee dalka ay Ku hayaan dawladaha uu ugu horeeyo Ingiriiska iyo xulafadiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS