21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Degdeg: Oromo lagu dhex laayay Hargeysa iyo cida laysay

Oromo ayaa lagu dhex laayay magaalada Hargeysa habeenkii xalay ahaa. Dhalinyaro gadoodsan oo aan la garanayn cida soo abaabushey ayaa garaacay Oromo deganaa magaalada.

Oromada ayaa walaac ka muujisay xasuuqa ka dhacay Hawadaay oo ahayd goobta ugu weyn ee laga keeno taas o Oromada ka galaysay dhaqaale aad u farabadan.



Dhalinyaradan ayaa budad iyo ulo la dhacay Oromo aan waxba galabsan, waxana ka mida xaafadaha waxyeelada loogu gaystey Jigjiga Yar, Calaamadaha iyo Shiraaqle.

Waxa sidoo kale albaabada loo laabey Oromadii ganacsiga ku lahayd gudaha magaalada ayagoo qaarkoodna cabsi darteed aan shaqaynin.



Dhalinyarada qaar ayaad moodaa in la soo direy oo ay ku jirto xin ganacsi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS