X

Degdeg: Ruushka oo aqoonsanaya laba gobol oo Yukarayn ka go’ay

Madaxweynaha Ruushka oo la kulmay guddigiisa amniga ayaa sheegay inuu maqlay waxa guddigu soo jeediyeen oo ah in la aqoonsado labada gobol ee Yukarayn ka go’naa muddo 8 sanno ah. Labadaan gobol ayaa waxa weeraray ciidanka Yukarayn oo Maraykanka iyo Ingiriisku hubeeyay.


”Daraad ayay hogaamiyeyaasha gobolada la isku yiraa Dombaas u sheegeen maatida inay ka qaxaan gobolka una qaxaan Ruushka, halkaas oo lagu gurey basas, badankoodna la dejiyay meel u dhow caasimada Moosko.

Haddaba yaa degan labadaan gobol

Labadaan gobol ayaa waxa degan dad Ruusha waxay dagaal ku go’een 8 sanno kahor markii afgembi laga soo abaabuley reer galbeedka xukunkii dalka looga tuurey madaxweyne si xora loo doortey oo wanaajiyay xiriirka dalka la leeyahay Ruushka, bedelkeedana Yukarayn heli jirtey gaas aad u jaban.


Dagaal faraha looga gubtey kadib waxay falaagada Ruushka ee degan labadaas gobol la go’een dhul baaxadle oo waxyar u dhow ilaa badda badda yar ee dalkaasi la wadaago Ruushka.

Muxuu ka dhigan yahay aqoonsiga hadda siinayo Ruushku

Waxa jiray waan waan uu Marayanku la galayay Ruushka oo la xirirtey is balaadhinta ururka NAATO, waxase muuqata intaasi burburtey, wadahadalkaas waxa waday madaxweynaha Faransiiska waxayse u egtahay in Maraykanku ka noqday, taasna ay qasabtey in Ruushku dadkiisa aqoonsado, taas oo ka dhigan inaan la weerari karin.



Muxuu Maraykanku samayn karaa

Waxba aan ka ahayn calaacal iyo cunaqatayn uu madaxweynaha Ruushku sheegay inayna karin dalkiisa. Dhinacva kale Ruushka ayaa sheegay inay dileen shan askari oo ka tirsan ciidanka Yukarayn ee Maraykanku hubeeyay oo ku soo xadgudbey xadkiisa.


Yukarayn ayaa beenisay in askar iyaga ka mida ay u dhawaadeen xadka Ruushka, ayan rabina inay ka wareegaan meel u dhow xadka. Warkii u dambeeyay arintan xasaasiga ayaa sheegaysa in madaxweyne Buutin la hadlay dadkiisa si toos ahna u aqoonsaday labadaa jamhuuriyadood.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.