X

Shir abaareed yaa qaban kara?

Waxa waxgaradka dalku ku qosleen shir ka dhacay xerada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho halkaas oo Rooble Baahane sheegay inuu furey shir abaareed. ”Runtii waa wax lagu qoslo ma BAAHANE ayaa haddana raba inuuu shilimaad ku helo masaakiinta abaartu hayso ayuu yiri Cali Calasow.


”Waa ninkii dabada u rogey dawladnimadii la soo waday afarta sanno iyo kala dambeyntii markii uu Uhuru guntida u giijiyay iskuna dayay inuu gato badda markii looga yeeray Ingiriiska ayuu raaciyay Cali Calasow.


Ummadu miyay waalatay markay BAAHANE shilimaad dambe ku aaminayso. Waxaa u dambeeyay wasiirkiisii batroolka oo Ingiriiska u tagay inuu heshiis bugga u soo saxiixdo xilli lagu jiro doorasho.



”War caqliga ummada lama xaddi karo ee dadka meesha fadhiyay waxay ahaayeen kuwii badda gatay, kuwii dalka geliyay khalkhal siyaasadeed, luwii abuuray maamul jufeedyada jira, waxana loo malaynayaa inay raadsanaysaan lacag ay doorashada ku galaan ayuu qabaa Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.