X

Degdeg: Turkiga oo Somaliya ka dhisaya xarun laga duuliyo dayax-gacmeedada

Sida ay qortey jariidada afka dheer leh ee isha bariga dhexe ayaa sheegtay in Turkigu dhisayo xarun uu ka duuliyo dayax gacmeedada. Waxayna ay sheegtay inay ku baxayso lacag dhan 350 milyan oo doolar guud ahaan mashruucaas ayadoo soo xiganaysa saraakiil Turki ah.


Turkiga iyo Somaliya ayaa waxa ka dhexeeya xiriir aad u qotodheer oo soo bilowdey waqtigii madaxweynaha dalkaasi uu yimi Muqdisho kadibna ka qayb qaatey abaarxun oo jirta iyo dawlad xumo ku habsatey.

Turkiga ayaa dalka u tababara ciidan tayo leh oo ay ka naxaan wadamada jaarka, waana halka kooxda sheegata beesha caalamka ay kala dagaalamayso qaranka iyo hogaanka hadda jira.


Turkiga ayaa ku hanweyn inay sanada 2023 tagan dayaxa, qorshaha uu xarun laga duuliyo dayax gacmeedada ayaa waxa ku jira qorshe lagu tababarayo arday isugu jirta Somali iyo Turki oo kharashkooda lagu sheegay 150 milyan doolar.

Qorshaha Turkigu uga dhisayo xarunta laga diro dayax gacmeedada ayaa ku jirta qorshaha balaaran ee lagu aburayo gantaalo hay’adda hawada sare ee Turkiga.



Somaliya ayaa u baahan lacagta lagu dhisayo dayax gacmeedada si ay ugu maareyso barnaamij tayo u leh dadkeeda ka qatan kheyraadka dihan ee dalkeeda yaala.

Rashiid ceelanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.