X

Ajaanib joogta Hir shabeele oo laga helay cudurka Karoona

Maamulka aan shaqayn ee Hir shabeelle aya joogey in deegaanadooda uu si ugu faafay hargabka Karoona, oo weliba laga helay ajaanib ku sugan deegaanadooda. Muxiyadiin Mukhtaar oo maamulka u qaabilsan cafimaadka ayaa sheegay in ajaanib ku jirto dadka laga helay.


Magaalooyinka waaweyn ee Jawhar iyo Beledweyne ayaa ah goobaha ugu badan ee laga helay hargabka Karoona. Dadka laga helay ayaa waxa ku jira dhaqaatiir.

Waxa muuqata in nooca Koofur Afrika iyo Ingiriiska inuu gaaray deegaanadaas maadaaama laba qof oo ka yimi Koofur Afrika laga helay cudurkaas.


Dawlada Somaliya ayaa la gaartey daawooyin iyo agabyo kale.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.