X

Denmaak oo jasiirad doofaarka sumaysan lagu baaro ku tuureysa qaxootiga ay diido

Denmaak ayaa jasiirad sumaysan ku tuureysa qaxootiga ay diido iyo dadka dambiyada ka galay dalka ee ah ajaanibta magangelyada u timi. Denmaak ayaa rabta inay muujiso inayna rabin qaxooti magangelyo doona. Dadka aya sanado suga sharci yar oo aan meelna lagu tageyn.


Jasiiradan ayaa ah meel aan cidi degin laakiin lagu baaro doofaarka looga shikisan yahay inuu qabo xanuun dibedda kaga yimi. Waxa kaloo jasiirada lagu baaraa xanuuno badan.

” Waa meel dad ku nooleyn hadase waxaan ku wadnaa in dadkaas aan nacneyn inaan geyno ayay tiri haweenayda cunsuriga ah ee wasiirka arimaha dibedda.


”Ha ogaadaan in aan la rabin ayay raacisay. Denmaak ayaa ka mida wadamada aan ajaanibtu ku badneyd luqadooda awgeed haddana waxa ka taliye xisbi xagjira, waxase degan qaxooti yar oo Somali ah.


”Waxayy raacisay waxa ka sii daran doonta ka soo baxaysa jasiiradaas waa qaali mana siin doono lacag badan oo ay ku socdaalaan markaa waa jeel ee ha ogaadaan.

Qaramada midoobey ayaa ka qaylidey hanjabaada xisbiga talada haya ayagoo hore ugu dhawaaqay sharciyo laga naxo.


Wadamadan isku dhow sida Sweden, Demaak iyo Norway ayaa waxa hadda xukunka qabsaday xisbiyo neceb ajaanibta ama ku socda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.