X

Wararkii u dambeeyay dad badan oo ku sumoobey deegaan ka mida Puntland

Wararkii u dambeeyay dad badan oo ku sumoobey deegaan ka mida Puntland gaar ahaan deegaan hoostaga Carmo oo lagu magacaabo Ceel-Daahir.


Faadumo C/laahi Cade oo ah maamulaha Isbitaalka degmada Carmo ayaa warbaahinta u sheegtay in dadkaan ay sumoobeen kadib markii ay Cabeen Caano ku jiray Caagado, islamarkaana ay isugu jiraan Haween iyo Carruur.

Waxa ay tilmaamtay in dadka qaar ay xaaladooda liidato, inkastoo dhammaan dadka waxyeellada soo gaartay la baxnaaninayo, lana geeyey xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaankaasi iyo degmada Carmo


“Ilaa 45 qof ayaa xanuunsaday kadib marka ay cabeen Caano deegaanka ,waxaana kasoo gurmaday degmada Carmo” ayay tiri Agaasimaha Isbitaalka Carmo


Maaha markii ugu horeysay oo dad Somali ah ku sumoobaan caano waxayna ka dhacdey melo badan oo ka mida dalka. Somalida ayaa hadda isticmaala caaga sunta ah halka awal la isticmaali jirey dhiisha oo laga samayn jirey dhirta.

Dhirtii ayaa la dabar gooyay markii dawladu burburtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.