Agaasimaha ku shaqada leh dayactirka xaramka ayaa sheegay in dib u dayactir lagu sameeyay derbiga kacbada iyo qiswada ama daaha lagu dabaalo kacbada oo caadiyan laga keeni jirey Masar.
”Waxaan isticmaalay aaladihii ugu dambeeyay oo casri ah si aan u qurxino derbiga kacbada. Waxaan saarney daawo uskaga ka celisa, ayadoo dhinaca kale daboolney dildilaac ku yimi derbiga ayu yiri agaasimuhu.
Waxaan kor u qaadney daaha weyn ee saaran kacbada, intii kor loo qaadayna waxaan ku wareejinay maro cad oo laba mitira ayuu raaciyay.
Waxay ka mid tahay cusboonaysiinta sanadlaha ee aan kacbada ku samayno.
Wahabiyada Sucuudiga ayaa si caadiya ugu dheeldheelay kacbada ayagoo ka dul dhistey hudheelo iyo saacad weyn oo ay ku khasaartey lacago malaayiina.
Rashiid Ceelanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay