X

Derbigii dhulboobka ee Kiiniya oo burbur soo gaaray

Wararka asn ka hekayni xad beenaadka Kiinjya gaar ahaan magaalada Beled-xaawo ayaa sheegaya in derbigii dhulboobka ee uu dhisay Kenyatta uu burbur soo gaaray qaybo ka mida derbigaas. Kiiniya oo joogta Kismaayo ayaa sheegtay inay derbi u baahan tahay dhinaca Beled-xaawo taas oo markiiba la ogaadey inuu yahay dhulboob qarsoon.


Derbigan ayaa kala xanibay dadka degan labada dhinac ee degmada Beled-xaawo iyo Madheera. Waxay muddo ku qayliyeen in derbigaas la joojiyo oo faaiidada kaliya ee uu leeyahay ay ahayd in Kiiniya ku xalaashato dhul Somaliyed.


Dawlada diciifka ee Somaliya ayaa dhowr mar si hoose uga digtey qatarta deyrkaasi ku leeyahay dadka degan labada darif.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka deegaanku burburiyeen qaybo dhan oo hadda Kiiniya u baahan tahay inay Yuhuudii dib uga dalbato inay u dhisaan.

C/llaahi Warmoge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.