X

Garsoore yiri Coldoon dib haloo celiyo oo Muuse Biixi ku qasbey inuu iscasilo

Garsoorihii maxkamada magaalada Hargeysa ahaana kii ugu roonaa ku sheega maamulka Somaliland gaar ahaan tan magaalada Hargeysa ayaa xilkii isaga tagey kadib markii cadaadis lagu saaray inuu iscasilo maadaama uu ku adkaystey in weriye Coldoon qalad tahay in la keeno Hargeyss ayadoo Burco leedahay maxkamad.


Coldoon ayaa welli u xiran Muuse Biixi oo ku edaynaya inuu yiri waxaa tahay talis. Waa eedaymaha Muuse Biixi dadka jeelka ugu guro.

Garsoorahan ayaa hore Xabsiga uga sii daayey Caruur darbijiif ah oo Muuse Biixi jeelka u taxaabay, sidoo kale wuxuu meel adag iska taagay Coldoon in warqad qabasho la,aan laga soo qafaasho Magaalada Burco goor habeenimo ah.


Isfahanwaagooda waxaa ugu dambeeyay kiiska Wariye Coldoon ay go’aamo iskhilaafsan ka soo kala saareen halka lagaga garnaqaayo.

Waa garsoorkii ugu dambeeyay magaalads Hargeysa ee hor istaagay Muuse handaraab inuu ku takri-falo xuquuqda dadka gobolka ku nool.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.