X

Dhacdada nin ka soo dhacay dabaq ku yaal magaalada Muqdisho

Waxa xalay magaalada Muqdisho dabaq ku yaala ka soo dhacay nin hurday laakiin qarway oo mooday inuu dhul hurdo. Ninkan ayaa laga soo qaaday dabaqii uu jiifay mid ka hooseeya.


Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Xamarweye meel ku dhaw Huteelka Muna, dhisme ku yaallo waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in xalay 3:00 habeenimo uu ninkaan ka soo dhacay Dabaqa xilli uu qarwaayay.

Ninkan ayaa ka jabay laf dhabarta, waxaa kale oo burburay qaybta midig ee jirkiisa.


Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay saaka aroortii dabaqa korkiisa isaga oo ka dul taahaya ninkaan in la maqlay, kadibna Gurmad loo fidiyay.

Waaxda gurmadka Dawladda hoose ee Gobolka Banaadir ayaa ninkaan gurmad deg deg ah u fidisay, islamarkaana gaysay mid ka mid ah Isbitaalka Gobolka Banaadir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.