X

Turkiga oo dhamaystiray biyo-xireen uu Jabuuti ka waday

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in ay dhamaystirtey qaybta ugu muhiimsan biyo xireen ay ka waday dooxa Xumbuli oo daad farabadan keena xilliga roobku ka da’o buuraha.

Buuraha ku hareeraysan magaalada Jabuuti ayaa soo daaya biyo aad u farabadan oo soo rogmada xilliga roobka. Jabuuti ayaa inta badan ah goob roobku aad ugu yaryahay.


Biyo xireenka laga dhisay dooxaas ayaa waxa lagu dhisay mashruuca ”saaxiibtinimo ee Jabuuti iyo Turkiga waxana gacanta ku haysay wasaarada biyaha ee dalkaasi Turkiga.

Jabuuti iyo Turkiga ayaa waxa ka dhexeeya mashruucyo aan badneyd oo ilaa hadda midkani ugu weyn yahay. Biyo xireenkan ayaa waxa kale oo loo adeegsan doonaa marka la yimaado inuu aad u yareeyo biyaha soo dhaafaya, dhinaca waraabka beeraha.


Dhererka biyo xireenkan ayaa lagu qiyaasay ilaa 71 mitir, wuxuuna celin karaa biyo lagu qiyaasay joogooda 2 dabaq.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.